ONLINE LAYBREERIGA Watchtower
ONLINE LAYBREERIGA
Watchtower
Soomaali
  • KITAABKA
  • WARGEYSYADA
  • KULAMMADA
  • fg qayb 6 su’aalo 1-5
  • Rajadee Bay Kuwa Dhintay Leeyihiin?

Qaybtan fiidiyow ma ku diyaarsana.

Waan ka xumnahay, fiidiyowgii ma soo bixin cillad awgeed.

  • Rajadee Bay Kuwa Dhintay Leeyihiin?
  • War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
  • Waxyaalo la Mid ah
  • Markaan Dhimanno Maxaa Dhaca?
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah! Waxbarashada Iyo Wadahadalka Kitaabka
War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
fg qayb 6 su’aalo 1-5

QAYB 6

Rajadee Bay Kuwa Dhintay Leeyihiin?

1. Muxuu yahay warka wanaagsan ee ku saabsan kuwa dhintay?

Maarta iyo Maryan oo soo dhoweynayo Laasaros oo la soo sarakiciyay

Ciise saaxiibkiis Laasaros afar maalmood buu meyd ahaa markuu Ciise gaaray Beytaniya tuulo u dhowayd Yeruusaalem. Ciise iyo kii dhintay walaalihiis Maarta iyo Maryan waxay wada tageen xabaashiisii. In yar kaddib dad badan baa soo ururay. Ma maleyn kartaa farxadday dareemeen Maarta iyo Maryan markuu Ciise Laasaros dib u soo nooleeyay?—Akhri Yooxanaa 11:21-24, 38-44.

Maarta way ogeed warka wanaagsan oo ku saabsan kuwa dhinta. Waxay garanaysay inuu Yehowah sarakicin doono kuwa dhintay siday dhulka dib ugu noolaadaan.—Akhri Ayuub 14:14, 15.

2. Maxaa nagu dhici doono markaan dhimanno?

Aadan oo la abuurayo oo kaddibna dhintay

Ilaahay Aadan wuxuu ku yiri: “Ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.”—BILOWGII 3:19.

Dhoobo baa binuʼaadanka laga sameeyay. (Bilowgii 2:7; 3:19) Markuu jidhkeennu dhinto waxba naga ma sii noolaado. Ma nihin naf ku dhex nool jidh. Markaynu dhimanno maskaxdeennuna way dhimataa oo fekradaheenna way baabbaʼaan. Sidaas daraaddeed buu Laasaros waxba uga sheegi waayay wixii ku dhacay markuu dhintay waayo kuwa dhintay waxba ma oga.—Akhri Sabuurradii 146:4; Wacdiyahii 9:5, 6, 10.

Ilaahay dadka miyuu dab ku cadaabaa markay dhintaan? Naarta waa tacliin been ah oo Ilaahay bay been ka sheegtaa. Waayo Kitaabka Quduuska ah wuxuu ina baraa inay kuwii dhintay waxba ogayn. Ilaahay marnaba ka ma fekerin inuu dad dab ku cadaabo taasi waa wax uu aad u karho.—Akhri Yeremyaah 7:31.

Daawo fiidiyowga Maxaa Nagu Dhici Doono Markaan Dhimanno?

3. Kuwa dhintay may inala hadli karaan?

Kuwa dhintay mana hadlaan mana maqlaan. (Sabuurradii 115:17) Laakiinse malaaʼigaha qaarkood baa sharfalayaal ah. Oo waxayna la hadli karaan dadka iyagoo iska dhigaya qofkii dhintay. (Yuudas 6) Yehowah wuxuu inaga mamnuucay inaan isku dayno la hadalka kuwii dhintay.—Akhri Sharciga Kunoqoshadiisa 18:10, 11.

4. Ayaa la soo nooleyn doonaa?

Nin la soo sarakiciyay oo Jannada joogo ayaa baranayo Ilaahay. Markaasna dadkii la soo sarakiciyay ayuu wax baray.

Malaayiin badan baa dhulka loogu soo celin doonaa inay dib u noolaadaan. Xitaa kuwii Ilaahay aqoonin oo sharka fali jiray baa la soo sarakicin doonaa.—Akhri Sabuurradii 37:29; Falimaha Rasuullada 24:15.

Kuwa la soo sarakiciyo runta Ilaahay ku saabsan bay baran doonaan waxayna muujin doonaan inay iimaan qabaan markay Ciise addeecaan. (Muujintii 20:11-13) Kuwa dhulka loogu soo sarakiciyo oo waxa wanaagsan sameeya waxay ku raaxaysan doonaan nolol weligeed ah.—Akhri Yooxanaa 5:28, 29.

5. Sarakicidda kuwa dhintay maxay Yehowah ka muujisaa?

Ilaahay markuu Ciise soo diray inuu innaga inoo dhinto rajo buu u suuraggeliyay inay kuwii dhintay mar kale noolaadaan. Sidaa daraaddeed sarakicidda dadka dhintay waxay inoo muujisaa jacaylka Yehowah iyo nimcadiisa. Markay kuwa dhintay soo sarakacaan ayaad jeclaan lahayd inaad si gaar ah u aragtid?—Akhri Yooxanaa 3:16; Rooma 6:23.

    Wargeysyada af Soomaali (2011-2026)
    Ka Bax
    gal
    • Soomaali
    • Wadaag
    • Doorasho
    • Copyright © 2026 Watch Tower Bible and Tract Society of Pennsylvania
    • Shuruudda Isticmaalka
    • Nidaamka Xog Dhawridda
    • Doorashada Xog Dhawridda
    • JW.ORG
    • gal
    Wadaag