ONLINE LAYBREERIGA Watchtower
ONLINE LAYBREERIGA
Watchtower
Soomaali
  • KITAABKA
  • WARGEYSYADA
  • KULAMMADA
  • fg qayb 10 su’aalo 1-4
  • Sidee Baad u Garan Kartaa Waddada Runta ah oo Ilaah Inoo Geesa?

Qaybtan fiidiyow ma ku diyaarsana.

Waan ka xumnahay, fiidiyowgii ma soo bixin cillad awgeed.

  • Sidee Baad u Garan Kartaa Waddada Runta ah oo Ilaah Inoo Geesa?
  • War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
  • Waxyaalo la Mid ah
  • Sidee Baan u Heli Karaa Diinta Saxda Ah?
    Su’aalaha Kitaabka oo Laga Jawaabay
  • Maxaa ku Dhici Doona Diimaha?
    War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
  • Diimaha Beenta ah Ilaahay Run Kama Sheegaan
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah! Waxbarashada Iyo Wadahadalka Kitaabka
War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
fg qayb 10 su’aalo 1-4

QAYB 10

Sidee Baad u Garan Kartaa Waddada Runta ah oo Ilaah Inoo Geesa?

1. Miyay jirtaa waddo keliya oo Ilaah inoo geesa?

Ciise oo wax barayo

“Iska jira nebiyada beenta ah.”—MATAYOS 7:15.

Ciise dadka Ilaahay jecel wuxuu baray waddo keliya oo ah diin keliya oo run ah. Waxay la mid tahay waddo ku geynaysa nolosha weligeed ah. Oo waddadaas Ciise wuxuu yiri: “Kuwa helaana waa yar yihiin.” (Matayos 7:14) Ilaahay wuxuu aqbalaa kuwa caabudaaddoodu ka timid Eraygiisa runta ah oo keliya. Dad kastoo dhan oo si run ah Ilaahay u caabuda waxay ku socdaan waddada keliya uu Ilaahay aqbalo.—Akhri Yooxanaa 4:23, 24; 14:6; Efesos 4:4, 5.

Daawo fiidiyowga Ilaahay Cibaado Kasta Raalli Muu Ka Yahay?

2. Ciise muxuu ka sheegay Kirishtaanka beenta ah?

Wadaad dadka kulan wax ku barayo. Kaddibna isla wadaadkii baa u duceynaya askarta daagalo u socodo.

“Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaanaan, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan.”—TIITOS 1:16.

Ciise digniin buu ka bixiyay inay nebiyo been ah dulleyn doonaan diinta Kirishtaanka. Caabudaaddooda dusha waxay uga eg tahay mid run ah. Kiniisadahooduna waxay sheegtaan inay yihiin Kirishtaan. Laakiin sidee baa dadkaas run ahaan lagu garan karaa waxay yihiin? Cibaadada runta ah oo keliya baa keenta dabeecadaha iyo falalka Kirishtaanka daacadda ah.—Akhri Matayos 7:13-23.

3. Sidee baa lagu gartaa kuwa Ilaahay si run ah u caabudo?

Bal eeg shantan wax oo lagu garto:

  • Waxay aqbalsan yihiin inuu Kitaabka Quduuska ah yahay Erayga Ilaahay. Waxay ku dadaalaan inay ku noolaadaan tacliintiisa iyo amarradiisa. Diin run ah way ka duwan tahay diin ku saabsan fekradaha binuʼaadanka. (Matayos 15:7-9) Kuwa Ilaahay si run ah u caabudo waxay dadka ku wacdiyaan bay ku dhaqmaan.—Akhri Yooxanaa 17:17; 2 Timoteyos 3:16, 17.

  • Nin Kirishtaan ah baa khudbad bixinayo. Kaddibna Ilaahay Boqortooyadiisa buu ka wacdinaya, dadka dhibaataysan buu caawimaad u gudbiya, waayeelka buu kaalmeeya.

    Waxay ixtiraamaan magaca Ilaahay oo ah Yehowah. Ciise Ilaahay magaciisuu xushmeeyay waayo dadkuu baray. Wuxuuna dadka ku caawiyay inay isaga bartaan oo inay u tukadaan inuu magaca Ilaahay quduus ahaado. (Matayos 6:9) Meeshaad deggan tahay diintee baa magaca Ilaahay dadka barta?—Akhri Yooxanaa 17:6; Rooma 10:13, 14.

  • Waxay ku wacdiyaan Boqortooyada Ilaahay. Warka wanaagsan oo ku saabsan Boqortooyada buu Ilaahay Ciise u soo diray inuu ku wacdiyo. Ilaahay Boqortooyadiisa oo keliya baa ah rajada binuʼaadanka. Intuu noolaa oo dhan buu Ciise Boqortooyada dadka kala hadli jiray. (Luukos 4:43; 8:1; 23:42, 43) Wuxuuna yiri inay raacayaashiisa ku wacdiyi doonaan. Haddii uu qof kala hadlo Boqortooyada Ilaahay diintee baad u maleysaa inuu haysto?—Akhri Matayos 24:14.

  • Iyagu dunidan sharka leh ka mid ma aha. Kuwa si run ah Ilaahay u caabudo ka ma qaybqaataan arrimaha siyaasadda iyo dagaallada dadka ka dhexeeya. (Yooxanaa 17:16; 18:36) Kumana daydaan dunidan caadooyinkeeda iyo dabeecaddeeda xun.—Akhri Yacquub 4:4.

  • Waxay isu qabaan jacayl yaab badan. Qolo walba inay ixtiraamaan bay ka bartaan Ilaahay Eraygiisa. Diimaha beenta ah aad bay u taageeraan dagaallada quruumaha laakiin kuwa cibaadada runta leh sidaas oo kale ma yeelaan. (Miikaah 4:1-3) Kirishtaanka runta ah waqtigooda iyo maaliyaddoodaba dadka kale bay ku kaalmeeyaan.—Akhri Yooxanaa 13:34, 35; 1 Yooxanaa 4:20.

4. Miyaad garan kartaa diinta runta ah?

Diintee bay tacliinteeda oo dhan ku salaysan tahay Erayga Ilaahay? Tee baa magaca Ilaahay xushmeysa? Middee baa sheegta inay Boqortooyada Ilaahay tahay rajada keliya ee binuʼaadanku leeyihiin? Kuwee baa ka dheeraada dagaal oo ku dhaqma jacayl? Bal maxaad u maleysaa?—Akhri 1 Yooxanaa 3:10-12.

    Wargeysyada af Soomaali (2011-2026)
    Ka Bax
    gal
    • Soomaali
    • Wadaag
    • Doorasho
    • Copyright © 2026 Watch Tower Bible and Tract Society of Pennsylvania
    • Shuruudda Isticmaalka
    • Nidaamka Xog Dhawridda
    • Doorashada Xog Dhawridda
    • JW.ORG
    • gal
    Wadaag