ONLINE LAYBREERIGA Watchtower
ONLINE LAYBREERIGA
Watchtower
Soomaali
  • KITAABKA
  • WARGEYSYADA
  • KULAMMADA
  • fg qayb 12 su’aalo 1-5
  • Sidee Baad Ilaahay ugu Dhowaan Kartaa?

Qaybtan fiidiyow ma ku diyaarsana.

Waan ka xumnahay, fiidiyowgii ma soo bixin cillad awgeed.

  • Sidee Baad Ilaahay ugu Dhowaan Kartaa?
  • War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
  • Waxyaalo la Mid ah
  • Salaadda Ugu Dhowow Ilaahay
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah! Waxbarashada Iyo Wadahadalka Kitaabka
  • Qayb 11
    Ilaahay Dhegeyso
War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
fg qayb 12 su’aalo 1-5

QAYB 12

Sidee Baad Ilaahay ugu Dhowaan Kartaa?

1. Baryo walba Ilaahay miyuu maqlaa?

Nin Ilaahay u tukanayo

Ilaahay wuxuu rabaa dadka adduunkoo dhan inay tukasho isaga ugu dhowaadaan. (Sabuurradii 65:2) Laakiinse ma maqlo mana oggolaado baryo kasta. Matalan baryada nin afadiisa si xun ula dhaqma ma dhegeysto. (1 Butros 3:7) Markay binu Israaʼiil sharka iska deyn waayeen Ilaahay wuu diiday inuu tukashadooda maqlo. Waxaa cad inay tukashadu tahay sharaf weyn uu Ilaahay ina siiyay. Hase ahaatee qofka dembi xun galay haddii uu toobadkeeno Ilaahay baryadiisa wuu maqlaa.—Akhri Ishacyaah 1:15; 55:7.

Daawo fiidiyowga Ilaahay Salaadaha oo Dhan Muu Dhegeystaa?

2. Sidee baan u tukanaa?

Tukashadu waxay ka mid tahay caabudaaddeenna sidaas awgeed waa inaan Abuureheenna Yehowah keligiis u tukanno. (Matayos 4:10; 6:9) Qof kaamil ah ma jiro marka waa inaynu baryadeenna magaca Ciise Masiix ku gudbino waayo Ciise baa dembigeenna awgiis u dhintay. (Yooxanaa 14:6) Yehowah ma rabo inaan ku celcelino tukasho la qoray ama la xafiday. Ilaahay wuxuu rabaa inay baryadeennu qalbigeenna ka timaaddo.—Akhri Matayos 6:7; Filiboy 4:6, 7.

Abuureheennu xitaa wuxuu maqlaa baryo niyadda laga dhaho. (1 Samuuʼeel 1:12, 13) Wuu inoo fasaxay inaan mar walba isaga u tukanno matalan bilowga iyo dhammaadka maalinta markaan cunteynayno iyo markaan dhibaataysan nahay.—Akhri Sabuurradii 55:22; Matayos 15:36.

3. Maxay adeegayaasha Ilaahay isula kulmaan?

Dad kulan dhexdiisa ku akhrisanayo Kitaabka Quduuska ah

Waxaan ku dhex nool nahay kuwo aammindaran oo adduunka nabadda badan uu Ilaahay inoo ballanqaaday quursada. Taas awgeed u dhowaanshada Ilaahay ma sahlana. (2 Timoteyos 3:1, 4; 2 Butros 3:3, 13) Sidaas daraaddeed baynu ugu baahan nahay kuwa aan isku iimaan nahay sidaan iyaga u xoojinno iyagana inoo xoojiyaan.—Akhri Cibraaniyada 10:24, 25.

Markaan la kulanno kuwa Ilaahay jecel Ilaahay baan u dhowaannaa. Kulammada Markhaatiyaasha Yehowah waxay ina siiyaan fursado fiican aynu kaga faaʼiidaysan karno iimaanka dadkaas.—Akhri Rooma 1:11, 12.

4. Sidee baad Ilaahay ugu dhowaan kartaa?

Nin shaqo joogo oo qadeynayo isagoo akhrisanayo Erayga Ilaahay

Ilaahay waxaad u dhowaan kartaa markaad si dheer uga fekertid waxaad ka baratay Eraygiisa. Oo ad si fiican uga fekertid shuqulladiisa iyo taladiisa iyo waxyaalahuu ballanqaaday. Feker dheer oo tukasho la socoto waxay qalbigeenna ku kordhisaa mahadnaqa Ilaahay jacaylkiisa iyo xigmaddiisa.—Akhri Yashuuca 1:8; Sabuurradii 1:1-3.

Sida keliya oo ad Ilaahay ugu dhowaan kartid waa markaad isaga isku helaysid oo adna rumaysatid. Laakiinse iimaanku wuxuu yahay geed yar oo kale oo koris u baahan. Siduu iimaankaaga u kordho waa inaad mar walba dib ugu noqotaa sababahaad u hubtid rumaysadkaaga.—Akhri Matayos 4:4; Cibraaniyada 11:1, 6.

5. U dhowaadka Ilaahay muxuu kuu tari doonaa?

Yehowah kuwa isaga jecel wuu daneeyaa. Wuxuuna ka magangeliyaa waxyaalaha halis gelin kara rumaysadkooda iyo rajadooda nolosha weligeed ah. (Sabuurradii 91:1, 2, 7-10) Wuxuu digniin inooga bixiyaa waxyaalaha khatargeliya caafimaadkeenna iyo farxaddeenna. Yehowah wuxuu ina baraa habka loo noolaado nolosha ugu fiican.—Akhri Sabuurradii 73:27, 28; Yacquub 4:4, 8.

Asaxaab isla wada jooga oo faraxsan
    Wargeysyada af Soomaali (2011-2026)
    Ka Bax
    gal
    • Soomaali
    • Wadaag
    • Doorasho
    • Copyright © 2026 Watch Tower Bible and Tract Society of Pennsylvania
    • Shuruudda Isticmaalka
    • Nidaamka Xog Dhawridda
    • Doorashada Xog Dhawridda
    • JW.ORG
    • gal
    Wadaag