ONLINE LAYBREERIGA Watchtower
ONLINE LAYBREERIGA
Watchtower
Soomaali
  • KITAABKA
  • WARGEYSYADA
  • KULAMMADA
  • lffi cashar 3
  • Kitaabka Quduuska ah Ma Aammini Kartaa?

Qaybtan fiidiyow ma ku diyaarsana.

Waan ka xumnahay, fiidiyowgii ma soo bixin cillad awgeed.

  • Kitaabka Quduuska ah Ma Aammini Kartaa?
  • Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah!—Hordhaca Casharrada Kitaabka
  • Qodobyada
  • Waxyaalo la Mid ah
  • SI FIICAN UGA FEKER
  • SOO KOOBID
  • BAADH
  • Kitaabka Quduuska ah Ma Aammini Kartaa?
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah!—Hordhaca Casharrada Kitaabka
  • Sidee Buu Kitaabka Quduuska ah Kuu Caawin Karaa?
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah!—Hordhaca Casharrada Kitaabka
Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah!—Hordhaca Casharrada Kitaabka
lffi cashar 3
Casharka 3. Kitaabka Qoraalladiisa Qadiimiga ah oo miis saaran.

CASHARKA 03

Kitaabka Quduuska ah Ma Aammini Kartaa?

Daabacaadda Xarfaha
Daabacaadda Xarfaha
Daabacaadda Xarfaha

Kitaabka wuxuu ka kooban yahay ballamo badan iyo talo wanaagsan. Malaha waad xiiseynaysaa inaad ogaatid tacliintiisa. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweyddiinnaysid, ‘Ma laysku hallayn karaa ballamada iyo talooyinka buug sidan oo kale u duug ah?’ Runtii, ma rumaysan kartaa wuxuu Kitaabka ka sheego mustaqbalka iyo sida hadda farxad loogu noolaado? Malaayiin qof baa rumaysto. Bal iskaaga u baadh inaad aammini kartid ama in kale.

1. Kitaabka Quduuska ah ma xaqiiq baa mise waa sheekooyin la allifay?

Kitaabku wuxuu isku tilmaamaa inuu yahay buug “si qumman loo qoray” oo ka kooban “hadal run ah.” (Wacdiyahii 12:10) Wuxuu ka hadlaa qisooyin run ah oo ku dhacay dad jiray. (Akhri Luukos 1:3; 3:1, 2.) Taariikhyahanno badan ayaa xaqiijiyay saxnaanta taariikhaha, dadka, goobaha iyo dhacdooyinka Kitaabka Quduuska ah lagu sheegay.

2. Maxaa loo oran karaa inuu Kitaabku weli ina anfaci karo inkastuu buug hore yahay?

Siyaabo badan ayuu Kitaabka Quduuska ah uga horumarsanaa xilligii la qoray. Tusaale ahaan, waxyaalaha uu ka sheegay cilmiga waqtigii la qoray muran baa ka taagnaa, oo dadka badankood ma aamminsanayn. Haddaba cilmiga casriga ah baa xaqiijiyay saxnimada Kitaabka. Kitaabka “dhammaantiisu waa run” wuuna “sii waaraa weligiisba.”​—Sabuurradii 119:160.

3. Maxaan ugu kalsoonaan karnaa wuxuu Kitaabka mustaqbalka ka sheegay?

Kitaabku wuxuu sii sheegay* “waxyaalo aan weli la samayn.” (Ishacyaah 46:10) Muddo dheer kahor intaynan dhicin, buu si sax ah u sii sheegay dhacdooyin badan oo taariikhi ah. Weliba wuxuu si faahfaahsan oo yaab leh uga sii hadlay xaaladaha maanta adduunka ka jira. Casharkan waxaan ka baran doonnaa qaar ka mid ah sii sheegidda Kitaabka. Malaha waad la yaabi doontaa sida saxda ah ay u rumoobeen.

SI FIICAN UGA FEKER

Bal eeg siduu Kitaabka u waafaqsan yahay cilmiga casriga ah oo baro qaar ka mid ah sii sheegiddiisa yaabka leh.

4. Cilmiga iyo Kitaabku way iswaafaqsan yihiin

Waagii hore, dadka badankood waxay aamminsanayeen inuu adduunku wax dul saarnaa. Daawo FIIDIYOWGA.

FIIDIYOWGA: Adduunku Waxba Kama Laalaado (1:13)

Bal eeg waxa ku qoran buugga nebi Ayuub oo la qoray 3,500 oo sano kahor. Akhri Ayuub 26:7, kaddibna ka hadla suʼaashan:

  • Maxay dadku ula yaabeen markuu Kitaabku yiri inuu adduunku ka laalaado “wax aan waxba ahayn”?

Habka ay biyuhu u wareegaan waxaa si fiican loo fahmay qarnigii 1800. Haddaba eeg wuxuu Kitaabka kumanyaal sano kahor ka sii sheegay arrintan. Akhri Ayuub 36:27, 28, kaddibna ka hadla suʼaalahan:

  • Habka loo sharaxay wareegga biyaha muxuu cajiib u yahay?

  • Aayadahan ad akhrisay ma kordhiyeen kalsoonida ad u qabtid Kitaabka?

Kitaabka wuxuu sharxaa wareegga biyaha ee dhulka. Fallaaro ayaa tilmaamaya habka ay biyuhu had iyo goor ugu dhaqdhaqaaqaan dhulka iyo cirka.

5. Kitaabka wuxuu sii sheegay dhacdooyin muhim ah

Akhri Ishacyaah 44:27–45:2, kaddibna ka hadla suʼaashan:

  • Kitaabka Quduuska ah muxuu ka sii sheegay baabbiʼinta Baabuloon 200 oo sano kahor intaynan dhicin?

Daawo FIIDIYOWGA.

FIIDIYOWGA: Kitaabka Quduuska ah Wuxuu Sii Sheegay Baabbiʼintii Baabuloon (0:58)

Taariikhdaa caddeysay inuu Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris qabsaday magaaladii Baabuloon isagoo wato ciidankiisii sanadkii 539 C.H.* Webigii magaalada ilaalin jiray bay meel kale u leexiyeen. Dabadeedna waxay magaaladii ka soo galeen albaabbo iska furan oo dagaal la’aan bay ku qabsadeen. Ilaa maanta 2,500 oo sano kaddib, Baabuloon weli waa meel baabbaʼsan. Bal eeg wuxuu Kitaabku ka sii sheegay.

Akhri Ishacyaah 13:19, 20, kaddibna ka hadla suʼaashan:

  • Sii sheegiddan sidee bay u rumooday?

Burburka Baabuloon oo ku sugan Ciraaq

Sawiro muujinaya xaaladaha uu Kitaabka ka sii sheegay ‘maalmaha ugu dambeeya.’ 1. Daaro ololaya. 2. Askari wax tooganaya. 3. Dad la dagaallamaya askar oo rabsho wado. 4. Laba nin oo dukaan xadaya. 5. Taangi ciidameed oo magaalo weeraraya. 6. Dad baahan oo saf ku jira. 7. Dhul qallalan oo kala goʼay. 8. Guri dhulgariir ku burburay.

6. Kitaabka wuxuu sii sheegay waxyaalaha aan maanta aragno

Kitaabka wuxuu inoo sheegaa inaan ku noolnahay “maalmaha ugu dambeeya.” (2 Timoteyos 3:1) Bal eeg wuxuu Kitaabka ka sii sheegay waqtiga aan ku noolnahay.

Akhri Matayos 24:6, 7, kaddibna ka hadla suʼaashan:

  • Sidaad Kitaabka ka aragtay, maxaa dhici doono maalmaha ugu dambeeya?

Akhri 2 Timoteyos 3:1-5, kaddibna ka hadla suʼaalahan:

  • Sidee ayuu Kitaabka u sharxay dabeecadda guud ee dadka maalmaha ugu dambeeya?

  • Dabeecadahan Kitaabka lagu sheegay, midkee baad aragtay?

DADKA QAARKOOD WAXAY DHAHAAN: “Kitaabka waxaa ka buuxo khuraafaad iyo sheeko sheeko.”

  • Adiga maxaa kuu caddeeyo in la aammini karo Kitaabka Quduuska ah?

SOO KOOBID

Taariikhda, cilmiga iyo sii sheegidda waxay caddeeyaan inaad Kitaabka aammini kartid.

Dib u eegid

  • Kitaabka Quduuska ah ma xaqiiq baa mise waa sheekooyin la allifay?

  • Waxyaalahee baa muujiya inay cilmiga iyo Kitaabka iswaafaqsan yihiin?

  • Ma u maleysaa inuu Kitaabka mustaqbalka sii sheegi karo? Maxaad saas u tiri?

Hadafkayga

BAADH

Ma wax baa ka qaldan cilmiga Kitaabka ku jira?

“Kitaabka Quduuska ah Iyo Cilmigu May Israacsan Yihiin?” (Maqaalka webka)

Waa maxay xaqiiqooyinka ku saabsan “maalmaha ugu dambeeya”?

“6 Bible Prophecies You Are Seeing Fulfilled” (The Watchtower, Maajo 1, 2011)

Bal eeg siday u rumooday sii sheegidda Kitaabka oo ku saabsan Boqortooyada Giriigga.

Waxaan awood ka helnay “Hadalka Nebiyadii Sii Sheegeen” (5:22)

Sii sheegidda Kitaabka baa beddeshay aragtida uu hal nin ka qabay Erayga Ilaahay.

“For Me, God Did Not Exist” (The Watchtower Lam. 5 2017)

Sii sheegidda Kitaabka waxaa ka tirsan farriimaha Ilaahay oo ku saabsan mustaqbalka.

C.H. ama C.D. micnahoodu waa “Ciise Hortiis” ama “Ciise Dabadiis.”

    Wargeysyada af Soomaali (2011-2021)
    Ka Bax
    gal
    • Soomaali
    • Wadaag
    • Doorasho
    • Copyright © 2022 Watch Tower Bible and Tract Society of Pennsylvania
    • Shuruudda Isticmaalka
    • Nidaamka Xog Dhawridda
    • JW.ORG
    • gal
    Wadaag