ONLINE LAYBREERIGA Watchtower
ONLINE LAYBREERIGA
Watchtower
Soomaali
  • KITAABKA
  • WARGEYSYADA
  • KULAMMADA
  • fg qayb 9 su’aalo 1-5
  • Sidee Baad Reer Barakaysan u Heli Kartaa?

Qaybtan fiidiyow ma ku diyaarsana.

Waan ka xumnahay, fiidiyowgii ma soo bixin cillad awgeed.

  • Sidee Baad Reer Barakaysan u Heli Kartaa?
  • War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
  • Waxyaalo la Mid ah
  • Sidee u heli kartaa qoys faraxsan?​—Qaybta 1aad
    Ku Raaxayso Nolosha Weligeed ah! Waxbarashada Iyo Wadahadalka Kitaabka
War Wanaagsan Ilaahay Ka Yimid!
fg qayb 9 su’aalo 1-5

QAYB 9

Sidee Baad Reer Barakaysan u Heli Kartaa?

1. Maxay farxadda reerka uga maarmi karin in lays guursado?

Nin iyo naag diiwaangelinayo guurkood

Warka wanaagsan wuxuu ka yimaaddaa Ilaah Yehowah oo ah kan farxadda leh. Isaguna wuxuu doonayaa inay reeraha oo dhan farxad ku noolaadaan. (1 Timoteyos 1:11) Isagaa guurka aasaasay. Is guursadka uu sharciga waddanku raalli ka yahay waa muhim siday farxadda reerka u dhismi karto oo kalsooni carruur loogu korin karo. Kuwa raba inay Ilaahay addeecaan waa inay ixtiraamaan sharciga waddanka oo ku saabsan diiwaangelinta guurka.—Akhri Luukos 2:1, 4, 5.

Ilaahay muxuu guurka ka qabaa? Ilaahay guurka wuxuu rabaa inuu noqdo isku imansho ka dhexeysa nin iyo naag oo kala tag lahayn. Ilaahay wuxuu rabaa ninka iyo naagta is qaba inay daacad isku ahaadaan. (Cibraaniyada 13:4) Furitaanka wuu neceb yahay. (Malaakii 2:16) Laakiin haddii mar gogoldhaaf dhaco Ilaahay furitaanka iyo dib u guursi wuu fasaxaa.—Akhri Matayos 19:3-6, 9.

2. Sidee bay nin iyo naagtiisa iskula dhaqmi karaan?

Nin iyo naagtiisa oo faraxsan

Yehowah ninka iyo naagtaba wuxuu u abuuray inay isku habboonaadaan oo ay guurkooda ka wada shaqeeyaan. (Bilowgii 2:18) Ninka waa madaxa reerka sidaas daraaddeed wuu inuu shaqadiisa ku dadaalo siduu reerkiisa u dhaqaaleeyo oo u masruufo. Xilka ninka saaran waa inuu reerkiisa baro Ilaahay. Ninka wuu inuu naagtiisa naftiisa ka sii jeclaado. Ixtiraam iyo jacayl wuu inuu ka dhexeeyo nin iyo naagtiisa. Maadaama ninka iyo naagtaba dembile yihiin waa inay iscafiyaan siday guur farxad leh ugu istareexaan.—Akhri Efesos 4:31, 32; 5:22, 33; 1 Butros 3:7.

3. Miyaad ka tagi kartaa guur aan farxad lahayn?

Haddii ad dhibaato kala kulantid guurkaaga waa inaad labadiinnuba ku dadaashiin inaad jacayl iskula dhaqantiin. (1 Korintos 13:4, 5) Erayga Ilaahay muu fasaxin in kala tag lagu xalliyo dhibaatooyinka guurka ka mid ah.—Akhri 1 Korintos 7:10-13.

4. Carruuray muxuu Ilaahay idin la rabaa?

Waalid carruurtoodi guriga ku caawinayo

Inaad faraxdid buu Yehowah doonayaa. Talada ugu fiican buu ku siiyaa sidaad ugu raaxaysatid dhallinyaranimadaada. Xigmadda iyo waaya aragnimada waalidkaaga inaad ka faaʼiidaysatid buu Yehowah rabaa. (Kolosay 3:20) Wuxuuna rabaa inaad isaga ka farxisid sidaad u heshid nolol fiican.—Akhri Wacdiyahii 11:9–12:1; Matayos 19:13-15; 21:15, 16.

5. Waalidow sidee bay carruurtaadu farxad u heli karaan?

Aabbe wiilkiisa la hadlayo

Waa inaad dadaashid sidaad carruurtaada u siisid cunto, guri iyo dhar. (1 Timoteyos 5:8) Welibana carruurtaada waa inaad bartid inay jeclaadaan Ilaahay oo ay isaga wax ka bartaan siday farxad u helaan. (Efesos 6:4) Markuu ilmahaagu arko jacaylkaad Ilaahay u qabtid qalbigiisaad taaban doontaa. Markuu tababbarkaagu ku dhisan yahay Erayga Ilaahay waxaad awood u leedahay inaad fekeridda ilmahaaga sida ugu fiican u hoggaamisid.—Akhri Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4-7; Maahmaahyadii 22:6.

Carruurta in qalbiga loo xoojiyo oo la ammaano wax bay u tartaa. Waxayna u baahan yihiin in la saxo oo la edeb baro. Tababbariddan oo kale waxay ka dhawrtaa inay sameeyaan waxyaalaha xun oo farxaddooda ka lumin kara. (Maahmaahyadii 22:15) Haddaba carruurta in si xun oo naxariis daran loo edbiyo ma fiicna.—Akhri Kolosay 3:21.

Markhaatiyaasha Yehowah waxay soo saaraan buugag loogu talaggalay inay caawiyaan waalidka iyo carruurta. Buugaggan waxay ku saabsan yihiin Kitaabka Quduuska ah.—Akhri Sabuurradii 19:7, 11.

    Wargeysyada af Soomaali (2011-2026)
    Ka Bax
    gal
    • Soomaali
    • Wadaag
    • Doorasho
    • Copyright © 2026 Watch Tower Bible and Tract Society of Pennsylvania
    • Shuruudda Isticmaalka
    • Nidaamka Xog Dhawridda
    • Doorashada Xog Dhawridda
    • JW.ORG
    • gal
    Wadaag